Friday, May 17, 2013

Soomaalidu ku garan weydee Abuu Amriikiyoow kumaad tahay?

Waxaa in dhawaanahan soo if baxayay warar la isla dhex marayay oo sheegayay in khilaaf weyn uu soo kala dhex galay dhaqdhaqaaqa argagixisada ee Al-Shabab, Al-Qaacidada geeska Afrika.
Sida warar xog-ogaal ah oo horey loo helay ay sheegayeen khilaafkani waxa uu u dhaxeeyaa Gudoonka argagixisada Geeska Afrika Axmed Togane iyo ku-xigeenkiisa Ibraahim Afqaani.
Khilaafkan ayaa salka ku haya kala duwanaansho aragti oo ay labada nin kala aaminsan yihiin.
Hadaan hadalka soo koobo bu'da khilaafka ayaa ah iyada oo mid waliba uu doonayo in kan kale uu kaga hor maro daadinta dhiiga ubadka Soomaaliyeed. Xiisadu waxa ay cirka isku shareertay markii midka dambe uu ku eedeeyay Togane in uu maran habaabiyay waxa uu ugu yeeray "Howshii Jihaadka ee Walaayada Soomaaliya".
Si kastaba khilaafku ha u buurnaadee waxey sadhu quruntay markii Abuu Mansuur Al-Amriiki, oo ah-gacan ku dhiigle u tababaran dibin-daabeynta aayaha ubadka Soomaaliyeed- uu ku soo bandhigay cinwaankiisa twitter-ka sawir ay ka muuqdeen dhaawacyo taas oo uu ku sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo uu soo yagleelay Togane.
Waxaa intaa xigay Shangole oo ka tirsan Al-Shabab oo si lama filaan ah afka u furtay " Walaalkeen Al-Amriiki gacan ka xaq daran ayaa dishay" ayuu mar uun kala soo dhex booday goob uu ka qudbeenayay.
Hassan Dahir Aweis oo isana caan ku ah marti gelinta cadawga Soomaaliyeed ahna Aabaha dhaqdhaqaaqyada argagixisada ayaa maanta isana afka furtay, "Al-Amriki ma dhiman oo dilkii la qorsheeyay wuu ka badbaaday.......Soomaalidu ku garan weydee Abuu Amriikiyoow kumaad tahay?

No comments:

Post a Comment