Tuesday, May 21, 2013

MARCA iyo Macalim Mou maxaa kala heysta.


Inkastoo aad aan ugu dhuun daloolo horyaalka Spain ee loo yaqaano "La liga" hadana kuma eki daawasho kaliya ee waxa aan xooraansadaa hadba waxa ay wargeysyada Spain ka qoraan xanta ciyaartooyda iyo tababarayaasha. Ma jirto subax aan soo toosay shantii sano ee ugu dambeesay iyada oo aan isha marin Jariirada afka dheer ee MARCA. Waa jariirad ka soo baxda magaalada Madrid hadana taageero xad dhaaf ah u heysa kooxda Boqortooyada (Real Madrid).
Kama helo runtii hab saxaafadeedka MARCA kolka ay ka faaqideyso kooxda FC Barcelona oo mararka qaar waxa ay i soo xasuusisaa bogaga internetka Soomaalida qaarkood.
Mourinho: Spain la igama jecla
Balse, todobaadkan waxa aad moodaa in MARCA ay si gaar ah dareenkeyga u soo jiidatay. Waxa aan isha mariyay ugu yaraan 3 mar saacad walba sababtuna wax kale ma aha ee waxa aan dusha kala socday xiisada ka dhex aloosan Naadiga Real Madrid iyo tababarahooda Mr Special One.
Maalin qura gudaheeda ayay soo qaadatay dhowr cinwaan: Bye bye Mou, Mourinho oo maalmihiisu tirsan yihiin, Mourinho oo khasaaro keenay, Madaxweyne Florentino oo go'aan qaadan raba, 
Mourinho oo la nacay, Ancelotti wuu iman rabaa iyo iwm.

Dhab ahaantii ma fileyn in MARCA ay sidan xowliga ah isku bedesho waayo Mou waa ninkii  3 sano ka hor caalamka ay ka gadi jirtey, waa ninkii ay sheegi jirtey in uu cagta mariyay burjigii FC Barcelona, waa geesigii ay aaminsanaayeen in uu Catalonia aamusiyay, waa shaqsi ay dhowr magac ugu yeereen 3-dii sano ee la soo dhaafay.
Dheriga kulka maxaa ka keenay? Kuleel
MARCA wey fatahdee maxaa u qarsanaa?
Sida aan filayo laba arimood ayaa u sabab ah in MARCA ay bartilmaameedsato Mou.
Tan hore, Real Madrid oo ah naadiga ay MARCA taageerto oo sanadkan gacmo maran, iyo tan xigta oo ah  Mou oo dhaliilay Saxaafada iyo shacabka reer Spain.
Taatiko. 


1 comment:

  1. sxb Tatiko waxaan aad uga gelay sida aad igu dhuun duleysho sportiga guud gaar ahaan spainish liga , sida aad u taxliininagyso lakiin waxaa is weydiin mudan hadii Mou. sidaan lagu ditay ninka badalidoona makula tahay in uu , u dhisidoono sidii Mou? mana loo dul qaadan doonaa ila clasico badan la bahdilo , kadin neh xooda dhiso ? maadama ay laacibiin badan ay baxayaan.
    aniga waxa ay ila tahay in Mou. looshalaay doono sanadkaan !!!!!

    ReplyDelete