Waxey aheyd maalin Axad ah jawiga Qaahirana waxa uu ahaa mid aad u qurux badan, sida caadadu tahay waxaa dib loogu laabtaa shaqooyinka rasmiga. Waxaan galabtaba u soo socod tagay xaafad ay daganaayeen barbaar aynu saaxiibo nahay, Xaafadu waa Six of October. Markii aan gaariga ka soo dagtay oo aan dhowr talaabo guriga saaxiibkeey u jiro ayaan mar uun indho darandaray.
Waxey mar qura indhaheygu qabteen gabar sifaheeda quruxeed aanan dhameystiri karin ileyn dhan walba wey u dhameyd; Joog dheer, dhex yar, midab maariin ah, timo madow, af dhuxul ah, sii jeed qurxoon, horaad jirka lagu jaangooyay, indho xuurul ceyn, dhoola cadeys soo jiidasho leh iwm.
Waan ku soo dhawaaday dhankii ay wadada ka socotay aniga oo doonaya bal mar uun in aan la hadlo.
Abaayo Soomaali maa tahay ayaan si hoose oo cabsi ku jirta u iri aniga oo gariiraya.
Haa Aboowe Soomaali ayaan ahay ayay iigu jawaabtay, Abaayo magacaa ayaan raaciyay, Ismahaan ayay iigu jawaabtay inyar dabadeed waxay igaga leexatay gurigooda oo aan meesha ka fogeyn.
Markii aan soo gaaray xaafadii aan u socday ayaan saaxiibkey uga sheekeeyay dhacdadii aan la soo kulmay waxaan garan waayay si aan ugu sifeeyo gabadhii aan soo arkay markii aan dhowr tilmaamood bixiyay ayuu Cali igu yiri saaxiib riyo ayaad ku jirtaa ee kaalay oo shaah cab.
Waxaan deg deg uga soo baxay gurigii aniga oo rajeynaya in aan mar labaad wadada Ismahaan ku kulano laakin nasiib daro ma aysan dhicin.
Waxaan ku soo laabtay gurigeyga habeenkii hurdo maanan gam'in. Aroortii xigtay oo maalin Isniina aheyd ayaan ku yaacay Facebook, waxaan raadiyay inta Ismahaan ee aan heli karo. Waaba tan oo gabadhi iskeentay!!
Inkastoo sawiradeeda u xirnaayeen hadana waxaan ka gartay sawirka profile-ka u saarnaa oo ahaa mid aad u qurxan. Kama labalabeyn in aan ku darsado iyana durbaba wey i aqbashay.
Waxaan u qoray dhowr message; abaayo wiilkii cadaa ayaan ahay oo shalay ku soo bartay ma i fahamtay, waa fiican tahay nooh, Maasha Allah hooyo ka waran, il Alle ha kaa dhowro, gabar qaali ayaa tahay, ninkii ku hela gabar ayuu helay iyo calaacal kale oo fara badan ayaan qoray laakin wax jawaab ah la ima soo siin.
Maalintii xigtay ee Talaadada ayaan waxaa wall-keeda Facebook ka bilawday hambalyo loo dirayo, abaayo labadii isku waarta, reerkii lagu nasto, macaaneey Alle ha isu kiin dhowro iyo kuwo kale oo fara badan, waxaa igu dhacay yaab iyo amakaag....ileyn waxaan bartay Axad, waxaan Facebook ku darsaday Isniin, waxey guursatay Talaado!!!!
Taatiko
October 17
No comments:
Post a Comment