Thursday, October 17, 2013

Waxaan bartay Axad, waxaan Facebook ku darsaday Isniin, waxey guursatay Talaado!!

Waxey aheyd maalin Axad ah jawiga Qaahirana waxa uu ahaa mid aad u qurux badan, sida caadadu tahay waxaa dib loogu laabtaa shaqooyinka rasmiga. Waxaan galabtaba u soo socod tagay xaafad ay daganaayeen barbaar aynu saaxiibo nahay, Xaafadu waa Six of October. Markii aan gaariga ka soo dagtay oo aan dhowr talaabo guriga saaxiibkeey u jiro ayaan mar uun indho darandaray.

Waxey mar qura indhaheygu qabteen gabar sifaheeda quruxeed aanan dhameystiri karin ileyn dhan walba wey u dhameyd; Joog dheer, dhex yar, midab maariin ah, timo madow, af  dhuxul ah, sii jeed qurxoon, horaad jirka lagu jaangooyay, indho xuurul ceyn, dhoola cadeys soo jiidasho leh iwm.

Waan ku soo dhawaaday dhankii ay wadada ka socotay aniga oo doonaya bal mar uun in aan la hadlo.
Abaayo Soomaali maa tahay ayaan si hoose oo cabsi ku jirta u iri aniga oo gariiraya.
Haa Aboowe Soomaali ayaan ahay ayay iigu jawaabtay, Abaayo magacaa ayaan raaciyay, Ismahaan ayay iigu jawaabtay inyar dabadeed waxay igaga leexatay gurigooda oo aan meesha ka fogeyn.

Markii aan soo gaaray xaafadii aan u socday ayaan saaxiibkey uga sheekeeyay dhacdadii aan la soo kulmay waxaan garan waayay si aan ugu sifeeyo gabadhii aan soo arkay markii aan dhowr tilmaamood bixiyay ayuu Cali igu yiri saaxiib riyo ayaad ku jirtaa ee kaalay oo shaah cab.
Waxaan deg deg uga soo baxay gurigii aniga oo rajeynaya in aan mar labaad wadada Ismahaan ku kulano laakin nasiib daro ma aysan dhicin.
Waxaan ku soo laabtay gurigeyga habeenkii hurdo maanan gam'in. Aroortii xigtay oo maalin Isniina aheyd ayaan ku yaacay Facebook, waxaan raadiyay inta Ismahaan ee aan heli karo. Waaba tan oo gabadhi iskeentay!!
Inkastoo sawiradeeda u xirnaayeen hadana waxaan ka gartay sawirka profile-ka u saarnaa oo ahaa mid aad u qurxan. Kama labalabeyn in aan ku darsado iyana durbaba wey i aqbashay. 
Waxaan u qoray dhowr message; abaayo wiilkii cadaa ayaan ahay oo shalay ku soo bartay ma i fahamtay, waa fiican tahay nooh, Maasha Allah hooyo ka waran, il Alle ha kaa dhowro, gabar qaali ayaa tahay, ninkii ku hela gabar ayuu helay iyo calaacal kale oo fara badan ayaan qoray laakin wax jawaab ah la ima soo siin.
Maalintii xigtay ee Talaadada ayaan waxaa wall-keeda Facebook ka bilawday hambalyo loo dirayo, abaayo labadii isku waarta, reerkii lagu nasto, macaaneey Alle ha isu kiin dhowro iyo kuwo kale oo fara badan, waxaa igu dhacay yaab iyo amakaag....ileyn waxaan bartay Axad, waxaan Facebook ku darsaday Isniin, waxey guursatay Talaado!!!!
Taatiko
October 17

Bob Bradley qalad ma laha ee Gen Sisi ha la wareysto!

Bob Bradley waxa uu la kulmay dhaliilo
fara badan kadib guuldarii Ghana
Ma aheyn arin la filayay, maanka marnaba kuma soo dhicin, laakiin waxa ay noqotay xaqiiq dhacday oo fadeexo isboorti noqotay, ileyn libaaxyadii Afrika ayaa ciida afka loo daray.

Inkastoo kubaddu cagta ay tahay mid ka mid unugyada dhiigeyga dhaqaajinayay sanadihii la soo dhaafay hadana uma soo joogin Qaahira oo gabi ahaanba laga asaay qaaday oo caruur iyo waayeelba nolol maalmeedkoodu  mugdi iyo jahawareer galay. Talow maxaa magaaladeydii helay, maxaa Tahrir gilgilay? maxaa sawaxankii fagaaraha Ramses mar uun aamusiyay? Isku socodkii gawaarida maxaa hakad galiyey, wadadii talcat xarbi iyo down town-kii aan in badan ku mushaaxay maxaa ku habsaday  maxaa Qaahirooy ku qabsaday?
Jawaabtu ma sahlana laakin Qaahira waxey hal mar la soo booday Ghana ayaa Egypt ugu awood sheegatay 6-1 oo riyadeydii aan kaga qeyb galayay koobka dunida Brazil 2014 meesha wey ka baxday. Dabcan waa jawaab culus oo su'aalaheyga jawaab u noqon kara.
Guuldaran kadib waxaa soo baxayay eedeymo loo jeedinayo tababaraha xulka Masaarid  Bob Bradley oo u dhashay Mareynkanka.
Waa yahuudi, waa Mareykan khaain ah, waa xaasid, horumar nooma ogola, waa cadawgeena iyo aflagaado kale oo la soo koobi karin ayaa lala dul dhacay Bob Bradley.
Laakin ma la is weydiiyay xagey sadhu ka qurantay, oo su'aashan ma la is weydiiyay.
Ma dal ciyaarihiisii gudaha loo joojiyay arrimo amni awgeed iyo ciyaartooy khilaaf xoogan dhex soo galay miyaa awood u leh in ay wajahaan quwad ka mid ah quwadaha Africa ugu tunka weyn (Ghana) oo wadata xidigyo caalamka magacyo mug weyn ku leh?
Jawaabtu waa maya hadaba Bob Bradley qalad ma laha ee Gen Sisi ha la wareysto!!!

Taatiko,
October 17