Saturday, July 6, 2013

General Sisi iyo cadaadiska saaran.

Gen Abdi Fatah Al Sisi waxa uu cadeeyay in
ciidanku ku lug yeelan doonin nidaamka siyaasadeed
     Tan iyo markii militariga reer Masar xilka ka tuureen Madaxweyne Mursi, waxaa soo baxayay dhaliilo fara badan oo ka imanayay gudaha iyo dibadaba.

Washington kuma qanacsaneyn salfudeydka askara halka Midowga reer Yurubna ay muujiyeen taxadir, marka laga reebo Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta, Gen Sisi ma uusan helin taageero ku filan walow daleeceyni ay kaga timid Ankara.

Sida dadka odorasa siyaasada Masaarida ay sheegayaan, Gen Sisi waxa uu qorshahan afgambiga soo waday in muddo ah taasoo laga garan karo laxanka quruxda badan ee lagu laray afgambiga; Gudoomiyihii maxkamada dastuuriga oo diyaarsan, culumadii diinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo isku dhinac ah iyo qafaal lagula kacay madaxda ururka Ikhwaanul Muslimiinta iyo weliba TV-yadii afka wadaada ku hadli jirey oo hawada mar qura laga saaray saacado kadib markii afgambigu dhacay

Howshu ma noqon mid sahlan, taageerayaasha Mursi waxa ay wadaan dibad baxyo aan joogsi laheyn weliba rabshado wata mararka qaar, beesha caalamku waxa ay qabtaa wel wel, mucaaradkii shalay mideysnaa maanta waa kala daatay oo Mohamed El Baradai oo PM loo magacaabay waxaa durbaba ka hor yimid wadaadada salafiyiinta.

Cadaadisku ma yara laakin Gen Sisi siduu u maareyn doonaa????

Qormadii
 Taatiko